Xeer-ilaaliyaha Qaranka oo loo beegsanayo in uu kasoo jeedo Puntland

Xeer- ilaaliyaha Fadaraalku,waxuu udanbeeyay Dadka kasoo jeeda Puntland ee xilalka ka haya Dowlada Fadaraalka oo la beegsanayo.

Waa go’aan cad oo Madaxweyne Xasan soo jeediyay kuna amray kooxdiisa in Qofkii PL kasoo jeeda aan shaqo laga siin Fadaraalka kan hayana laga qaado.

Xeer- ilaaliyaha,waxaa laga dalbaday in uu iscasilo,qaatana Lacag Rubuc Milyan dolar ah,markuu diidayna,waxaa loo gudbiyay Baarlamaanka.

Booskiisa,waxaa udiyaarsan oo lagu badalayaa Mungaab oo la rabo in uu sharciyeeyo mudo kororsiga la diyaarinayo.

Puntland waa awood xoog badan markay timaado Siyaasada Somalida,Madaxweyna walba oo la dirira ugu danbayn isagaa Siyaasada ka baxa.

Jibril Qoobey.