Markab Xoolo siday oo dib loogu soo celiyay Dekeda Berbera

Markab siday Geel dhan 1634 Neef oo kasoo anba baxay Dekeda Berbera,ayaa laga celiyay Dekeda Jidah ee Sacuudi Carabiya.

Waxaa lagu amray Markabka in uu soo maro Wado sax ah iyo habraac la aqoon san yahay.

Aqoonsiga laga rabo waa midka Dowlada Somaliya ee la aqoonsan yahay.

Safaarada Somaliya ee Sacudiga ku taal,ayaa horay ugala hadashay Ganacsatada Somalida ee xoolaha kasoo dhoofsada Berbera in ay maraan habraaca la aqoonsan yahay ee Dowlada Federaalka Somaliya.

Somaliland waxay bixisaa aqoonsi calaamadeedu ay saaran tahay oo aan la aqoonsanayn,waana midaas mida dhibka keenaysa.

Dhawr mar ayay arintan oo kale horay ugu dhacday Ganacsatada Berbera wax kasoo dhoofsata.

 

Halkan ka akhriso:-

Jibril Qoobey.