Baarlamaanka cusub Ee Puntland oo lagu dooran doono doorasho dadban

Baarlamaanka Puntland,waxuu go’aamin doonaa in Doorashada Baarlamaanka soo socda ee badali doona kan hada jooga lagu soo doorto doorasho dadban.

Halkii Xildhibaan,waxaa dooran doonta 400 oo Ergay.

Fikradan,waxaa isla qaatay Madaxweynaha,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudiga doorashada,waxaana ansixin doona Baarlamaanka.

Deni,waxuu go’aansaday in uusan isku dayin mudo kororsi markii uu arkay sida aysan PL uga gadmayn.

Balse,waxuu rabaa in ugu yaraan uu wax kusoo kordhiyo hanaankii doorashada PL ee 20-kii sano udanbeeyay ay ku soo dhaqmaysay.

Aragtidan Bulshadu way soo dhawaynaysaa oo waxay meesha ka saaraysaa Odoyaashii dhaqanka iyo Siyaasiyiintii ku daabnaa ee soo qoran jiray Xildhibaanada.

Waxayse ku qurxoon tahay in hanaanka Beelaha loo badalo Deegaan..

Tusaale”

11-ka Xildhibaan ee Mudug ka yimaada meeshii Beel-beel loo dooran lahaa in 4400 oo Qof oo guud ahaan reer Mudug ah ay hal mar wada doortaan Xildhibaanada,iyadoo hadana loo xirayo Beel walba Xildhibaankeeda.

Jibril Qoobey.