Wararkii ugu danbeeyay Shirka Baydhabo Ee Madasha Bartamaha iyo Koonfurta Dalka

Qodobkii Doorashooyinka dib,ayaa looga soo daray Shirka Baydhabo.

Si guud,waxaa laga xaajoonayaa Sadexdii Qodob ee kala ahaa..

1.Doorashooyinka.
2.Amaanka.
3.Midaynta Canshuuraha.

Qodobadan waxay qayb ka yihiin dhamaystirka Dastuurka,balse waa la farataysanayaa.

Doorashooyinka in la mideeyo,waxaa ka horeeya in uu jiro Dastuur qeexaya oo rasmi ah.

Amaanka,waxaa la rabaa in ay jirto siyaasad amni oo Dalka midaysa,waana in Dastuurku dhamaystirmaa.

Canshuuraha in la mideeyo,waxaa ka horeeya in Dastuurka la qabyo tiro.

Dastuurka qabya tirkiisana waxay ku xiran tahay in Somaliland xaalkeeda meel la saaro.