Faallo:-Dhaawicii Siyaasadeed ee Sanadka 2023,waxuu ku dhacay Xamse iyo Axmed.

Dhaawicii Siyaasadeed ee Sanadka 2023,waxuu ku dhacay Xamse iyo Axmed.

Dhaawacaasi,waxuu ahaa markii,iyagoo fadhiya PL oo ehel soke la ah loo xilsaaray Masuuliyiin kale in ay xal ka raadiyaan.

Iyaga iyo hogaanka PL waa kala fogaan karaan,siday ku timid dib ugu mashquuli mayno,waxayse ahayd xataa ugu yaraan in ay diidaan in lagu qoro Warmurtiyeedka oo ay ku dagaallamaan si isfahan Odaytinimo ah in loogu diro Ergadaas.

Ceeb iyo bahdil way ka saraysaa waxa ku dhacay Axmed iyo Xamse ee waa dhaawac Siyaasadeed oo taariikhda galay kuna yimid damiinimo Siyaasadeed.

Puntland loolankii Villa Somaliya way ku adkaatay si buuxda,talada Dalkana,iyadaa marti looga yahay saakay.

Jeeg cad oo waxay rabto ay ku qoran karto,ayaa horyaala Puntland.

Siyaasadu Muufaysi iyo Dhaanto ma’ahan..!!

Jibril Qoobey.