Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Xasan Sh. Ee Ugandha?

Madaxweyne Xasan,waxuu tagey Ugandha si uu tababar ugu soo xiro Ciidan halkaas ku xaraysnaa.

Waa shaqo uu ku filnaa Ra’isalwasaaraha ama Wasiirka difaaca,balse loo Gacan banayn waayay.

Ujeedka socdaalka Xasan waa ka weyn yahay tababar soo xirid ee waxaa ku hoos jira Rasaas iyo Hub Musafeni laga soo qaadayo oo la qarinayo.

Waxa ugu weyn oo Xasan iyo kooxdiisu isla gaabinayaan waa Ciidamo gaaraya 10-kun oo loogu kala tababarayo Turkiga,Masar,Eretereya,Jabuti iyo Ugandha in ay soo laabtaan oo ay qalabaystaan.

Qorshaha Ciidankaas laga leeyahay waa in bartamaha iyo Koonfurta Dalka laga hirgeliyo Hawiye Power Kursiga lagu sii haysto laguna lunsado Deeqaha caalamka.

Ciidankii 5000-kun ahaa ee Eretereya laga keenay waxyar baa ka jooga,kumana tusaale qaadan Ciidan la abaabulo in aysan macno soo kordhinayn D+D.

15-kii sano ee udanbeeyay Somaliya,waxaa loosoo tababaray ku dhawaad 30-kun oo Askari,isla markaana Miisaaniyada D.Fadaraalka,waxaa ku jira 36000-kun oo Ciidan ah,welina Villa Somaliya,Baarlamaanka,Dekeda iyo Garoonka Ciidan shisheeye,ayaa ilaaliya.

Jibril Qoobey.