RAYSAL WASAARE XAMSE WUXUU LUMIYEY FURSAD DAHABI AH.!!

Sideedaba siyaasaddu, waa ku dhiirasho wakhtiga munaasabka ay tahay si aad dhaxal iyo xusuus uga tagto.

Taarikhdu iyadaa dib isu qorta. Waxaan soo xusuustaa, si la mid ah waxa maanta taagan, in laga bilaabo 2012 ilaa 2014 in xiriirka Puntland iyo dowladii hore ee Hassan Sheikh uu aad u xumaa oo wax wada shaqayn ah aysan jirin.

Iyadoo uu xaal sidaasi u cakirnaa, ayaa waxaa xalkeeda u guntaday PM Abdiweli Sheikh Ahmed magacaabistiis kadib December 2013, isagoo isla markiiba ku dhaqaaqay talaabooyin odaytinimo oo dib loogu soo celinaayey kalsoonida labadda dhinac (Confidence building measures). Ugu dambayntina wuu guuleystay, taasoo keentay in uu booqasho rasmi ah ku aaday Garoowe kuna soo xaliyey tabashooyinkii markaa taagnaa, waxaana lakala saxiixday isaga iyo Madaxweyne Gaas heshiiskii taarikhda galay. Waxaa xusid mudan in ay goobjoog ka ahaayeen markii heshiiska la kala saxiixanaayey 14kii October 2014, Ambassador Affey IGAD Dowladda Ethiopia, UNSOM Ambassador Nicholas Kay, iyo Gud Mahad Cawad oo ka socday baarlamaanka federaalka.

Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay, maxay ku kala duwan yihiin PM Xamse iyo PM Abdiweli Xiirane?

Sida ficiladiisa ka muuqatay, PM Abdiweli Xiirane wuxuu ahaa siyaasi madax furan oo waliba madax banaan, wuxuu lahaa ku dhac siyaasadeed, wuxuu lahaa waayo aragnimo siyaasadeed iyo dareen mas’uuliyadeed.

Shalay maanta u ekaa. PM Xamze laftirkiisa, maanta waxaa soo martay fursado siyaasadeed oo lamid ah kuwii soo marey PM Abdiweli, balse ayaandarro kama uusan faa’idaysan, mana filaayo in ay dib dambe u soo mari doonto waayo siyaasaddu waa seef, waxaana lagu xukumaa sharciga duurjoogta iyo siday u kala adagyihiin.

Khayr Allah haka dhigo.

WQ:-Xamse Xasan Maxamuud.

 

Heshiiskii Oktoobar 2014