Faallo:-Xukuumad shaqaynaysaa ma ka jirtaa Somaliya? ?

Horta Xukuumad majirtaa,waa su’aal Dad badan iswaydiinayaan?

Dowlada Fadaraalku ma leedahay Ra’isalwasaare?

Hadayba jirto Xukuumad waxqabadka ay sheegan karto muxuu yahay?

Ra’isalwasaarihii shaqadiisu,waxay kusoo ururtay xoghaynta Madaxweynaha.

Wasiirkii Arimaha dibada Shaqadiisa,waxaa ku haysta Madaxweynaha.

Wasiirkii Maaliyada shaqadiisa,waxaa qabanaya Shirkado Qoysaska Madaxweynuhu leeyihiin.

Wasiirkii Gaashaandhiga,waxaa ah Madaxweynaha.

Wasiirkii Qorshaynta,waxaa buuxiyay Shaqadiisa Madaxweynaha.

Wasaarad Amni maba jirto oo xataa Wasiirka magaciisaa lays waydiiyaa.

Magaalada kaliya ee Dowladan ay saamayn ku leedahay waa Xamar,iyadana lagama hirgelin..

1.Hal Wado.
2.Hal Iskuul.
3.Hal Isbitaal.
4.Amni.
5.Bilic.
6.Nidaam Dowlo.

Waxaan filayaa waxa ay sheegan doontaa iska xoraynta Shabaab ee Bulshada reer Hiiraan ay isku xilqaantay.

Jibril Qoobey.