Halkee ka jiraan hay’ada iyo Gudiga sare ee dib u eegista Dastuurka lagu midaysan yahay?

Dastuurka Kmg ah ee Fadaraalka waa la foolxumeeyay oo la xushmayn waayay Sharciyada ku qoran.

Dooda xiligan taagan waa in Konfedereshin loo guuro oo la dhiso Gudi uqalma qabashada shaqadaas laguna kalsoonaan karo,isla markaana mudo cayiman la siiyo.

Arimaha la rabo in la dul istaago,waxaa ka mid ah…

1.Awooda,mudo xileedka iyo maqaamka Madaxweynaha Qaranka.

2.Maqaamka iyo meesha ay noqonayso Caasimada Jamhuuriyada.

3.Siyaasada dhaqaalaha.

4.Siyaasada Amniga.

5.Siyaasada Waxbarashada.

6.Garsoorka.

Qabyo tirka Dastuurka la rabo Umaddan in ay kuwada joogto Wiilal Qol isku soo xiray kama talin karaan.

Shaqada Qarankan utaalla xiligan waa helida Dastuur rasmi ah oo matali kara Jamhuuriyad Somaliyed oo Konfedereeshin ah.

Jibril Qoobey.