Muxuu ahaa fariinta uu dirayay hadalkii Ra’isalwasaare Abiy?

“Buugayga Qaad oo Iibi,Lacagta kasoo baxdana ku maamuus Taariikhdii Xabashida ee Kaaraamardha”Waa Erayo la yaab leh.

Madaxweynayaasha Deegaamada kale sidaas loolama hadlin kaliya kan Somalida ayay ku gaar ahayd.

Fahamka guud,waxaa loo qaadan karaa hadalka Abiy mid lagu tijaabinayo damiirka Umadda Somali Galbeed.

Balse markii Siyaasiyan loo dhadhansado ujeedka Abiy,waxaa muuqata in uu Mustafe dilayay oo isaga iyo Shacabka iskaga horkeenayay dhan walba.

Mustafe,waxaa lagu xantaa Nin Amxaarada jecel isbahaysigeeda Siyaasadeed,taasna Abiy waa ka dagaallamayaa.

Abiy waa og yahay xasaasiyada Kaaraamardha Deegaanka Somalida ku dhex leedahay,mana ahan Doqon ee Mustafe,ayuu siyaasiyan soo afjarayay.

Jibril Qoobey.