Maxay ka dhigan yihiin booqashooyinka hogaamiyayaasha Japan iyo Shiinaha Ee Ruushka iyo Ukrain?

Ujeedada socdaalka madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu ku tagay Ruushka ayaa ah sidii sare loogu qaadi lahaa saameynta Shiinaha ee heer caalami.

Tagitaanka Ra’isalwasaaraha Japan ee Ukraine waxay diraysaa calaamad xooggan oo ku saabsan halka ay Labada Waddan ka taagan yihiin xilligan jaahwareerka jira.

Japan iyo Shiinaha xiriirka ka dhaxeeya waa mid dabacsan oo Bishii la soo dhaafay labada dal waxay ku yeesheen Tokyo wada-hadallo amni.

Kulamadaas,ayaa Shiinuhu ku sheegay inuu ka walaacsan yahay xoojinta ciidamada Japan,halka Japan ay ka cabatay xiriirka Shiinaha iyo Ruushka iyo adeegsiga buufinnada basaaska ee looga shakisan yahay.

Shiinaha iyo Japan,ayaa ah dalalka Labaad iyo Saddexaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka, inkastoo ay jiraan xiisado u dhexeeya labada Waddan.

Japan,ayaa waxay ka walaacsan dagaalka Ukraine.