Hawlgalka Atmis Ee Somaliya oo loo la’yahay dhaqaale

Midowga Afrika ayaa Arbacadii dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo loogu talagalay ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo taageero siiya ciidamadooda milateriga ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Danjire Bankul Adewe oo ah Guddoomiyaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa laba wariye u sheegay in 19,600-askari oo ka tirsan Midowga Afrika aysan si wanaagsan u shaqeyn karin oo aysan caawin doonin Soomaalida, haddii aan dhaqaale loo helin.

Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka.

“Haddii ciidamada Midowga Africa aysan helin dhaqaale ay si hufan ugu howlgalaan 21-ka bilood ee soo socda ka hor inta aysan masuuliyada amniga wareejin, waxa ay la macno noqon kartaa in al-Shabaab ay ugu dambeyn la wareegi doonto mas’uuliyadda dowladnimo ee Soomaaliya.” ayuu yiri Danjire Bankul Adewe.

Waxa uu sheegay in mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee dhibaatada dhaqaale ee Midowga Afrika ay tahay in 60 milyan oo dollar oo Midowga Yurub uu ka dhimay dhaqaalihii uu ku bixin jiray sababo la xiriira waxa uu ugu yeeray ‘dano tartamaya.”

Adeoye ayaa ka qaybgalay kulan heerkiisu sarreeyay oo ay kasoo qeyb galeen waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay kaas oo ku saabsanaa maalgelinta ATMIS.

Wuxuu rajo ka muujiyay in dhammaan dalalkan ay gacan ka geysan doonaan taageerada dhaqaale ee $89 milyan ah, gaar ahaan dalalka Khaliijka iyo Midowga Yurub.

AFP