Faahfaahin hadalka Safiirka Ee uu kaga hadlay sugnaanta Hubka iyo Cunaqabataynta

Waxa uu ka hadlay Safiirka Maraykanka ee Somaliya,waa Maqsin lagu kaydinayo Rasaasta loogu talagalay Ciidamada dagaalka kula jira argagixisada.

“Bakhaar kayd Hub oo la nadiifiyay,kadibna Rasaasta la dhigayo loo samaynayo Sumad oo aan lala bixi karin ayay Dowlada Maraykanku maalgelisay”.

Somaliya ayay ceeb ku tahay xataa in ay awood uyeelan waydo diyaarinta Bakhaaro kayd.

Maraykanka oo adeegsanaya Gacanta Masar,ayaa keena Xamar Rasaas iyo Qoryaha fudud oo loogu talagalay dagaalka argagixisada.

Kaydkan la sameeyay waa mid lagu haynayo Rasaastaas iyo Qoryahaas fudud,iyagoo sumad leh oo sugan si aysan Gacan kale ugelin.

Maraykanku,waxuu maalgelinayaa guud ahaan Kaydadkii Hubka ee Somaliya dib udayactir lagu samaynayo.

Jibril Qoobey.