Axmed Madoobe si weyn ubaadigoobayaa in uu is afagarad la gaaro Dowlada Itoobiya

Ergo uu soo diray,ayaa Adis-ababa mudo ku sugnayd.

Sidoo kale Imaaraadka,ayuu ka codsaday in ay dhex-dhexaadiyaan isaga iyo Dowlada Itoobiya.

Waxaa jira shuruudo Itoobiyaanku usoo dhiibeen Imaaraadka oo ay ku xireen in uu fuliyo Axmed Madoobe,kuwaasoo kala ah..

1.In Ciidamadooda jooga Kismaayo la Laba jibaaro.

2.In Garoonka Diyaaradaha Kismaayo lagu wareejiyo.

3.In Wasiirada JL laga siiyo Xubno muhiim ah.

Dhanka Axmed Madoobe,waxuu codsaday dhawr arimood oo ay ka mid ahaayeen…

1.In Itoobiyaanku hakiyaan weerarka Bu’aale.
2.In imaanshaha Adis uu ku amaan galo.
3.In heshiis rasmi ah dhexmaro isaga Itoobiya.

Talyaha iyo Madaxa hawlgelinta Ciidanka Itoobiya mar ay kula kulmeen Siyaasiyiin reer JL ah xarunta W.Gaashaandhiga Itoobiya,waxay si aan gabasho lahayn ugu sheegeen in ay Axmed talaabo ka qaadayaan oo soo afjarayaan Siyaasadiisa.

“Waa soo dhawaynay markaan awooda Itoobiya qabanay,waxaan tusnay Qalbi-dhagax oo uu naga codsaday,waxuu noo sheegay in uu Itoobiya la shaqaynayay ee uusan Tplf meel ugu xirnayn,waxayse ahayd beentiis oo Nayrobi markuu gaaray,ayuu bilaabay in uu yiraahdo Oromo Itoobiya ma xukumi karto si toos ahna TPLF ugu diro Lacag,isagoo marsiinaya Jabuti,hadana markaan TPLF heshiinay,waxuu ahaa Ninkii ugu horeeyay ee noosoo hanbalyeeya oo yiraahda,waad ka adkaateen Jamhadii xunta ahayd,waa Laba Wajiile khatar ku ah Amniga Bariga Afrika”Ayuu yiri Burhaanu.

Sida muuqata Axmed waa soo laystay Kaararkii isbad-badalka ee uu kusoo mooday 12-kii sano lasoo dhaafay.

Jibril Qoobey.