Talyaha Ciidamada Maraykanka oo sheegay in Iran Laba Todobaad ku samaysan karto Niyukler

In this Feb. 3, 2012 photo released by an official website of the Iranian supreme leader's office, Iranian supreme leader Ayatollah Ali Khamenei delivers his sermons of Friday prayers at the Tehran University campus in Tehran, Iran. Iran's supreme leader will deliver a Friday sermon on Jan. 17, 2020 in Tehran for the first time since 2012, as the Islamic Republic grapples with the fallout from the targeted killing of its top general in a U.S. airstrike and popular anger at its accidental shootdown of a passenger plane. (Office of the Supreme Leader via AP)

General Mark Milley, oo ah madaxa Talyaha guud ee Ciidamada Mareykanka,ayaa ku sheegay shir ka dhacay Congress-ka dalkan Khamiistii, in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, “markii ay go’aansato”, ay soo saari karto agabka lagama maarmaanka u ah hubka nukliyeerka,in ka yar laba Toddobaad.

General Milley, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay ku soo saari karto walxaha fiska ah ee hubka nukliyeerka laga sameeyo wax ka yar laba toddobaad laga bilaabo “waqtiga uu go’aansado” maamulka.

Hannaan sameynta ah, ayaa wuxuu qaadan karaa oo kaliya “dhowr bilood oo dheeraad ah” si loo helo hub nukliyeer ah.

Waxa uu u sheegay guddiga qoondaynta Congress-ka, oo uu goob joog uga ahaa in lagala hadlo miisaaniyadda 2024 ee Pentagon-ka, oo uu weheliyo xoghayaha difaaca ee Maraykanka, Lloyd Austin.

Wuxuu generalka sidoo kale tilmaamay in Iran ay khatar ku tahay sii wadisteeda taageerada ay u fidiso argagixisada, iyo kuwa raacsan ee Bariga Dhexe, ee Khalkhalka gelinaya gobolka.

Madaxa Taliska guud ee Ciidamada Mareykanka,ayaa yiri “Siyaasadda rasmi ah, ee Mareykanka, ayaa waxaa ka go’an inuu ka hortago Iran inay hesho hubka Nukliyeerka”.

Sargaalka ugu sareeya Ciidamada Maraykanka,ayaa sheegay in Militariga wadanku uu Aqalka Cad u soo bandhigay dhowr fursadood, oo ku saabsan sida loogga jawaabi karo Iran mar kasta ,oo ay go’aansato in ay sameysato hubka Nukliyeerka.