Yaa soo abaabulay Isimada Magaalada Garowe soo gaaray?

Imaanashaha Garowe ee Isimada kasoo jeeda B iyo K dalka waa mid ay soo abaabushay Villa Somaliya.

Ujeedka laga leeyahay waa waji badalasho laysku dayayo in lagu daboolo qorshaha Qabyaaladaysan ee Xamar ka socda,gaar ahaan abaabulka waxa loogu yeero Iririsimka.

Ugu yaraan waxay isku dayaysaa kooxda fadhida Villa Somaliya in ay isku muujiso in ay yihiin hogaamiyayaal Qaran oo aan qayb ka ahayn abaabulka Xamar Qabyaaladaysan.

Odoyaashan waxba kama badali karaan dagaalka LC,sababtoo ah awood uma leh in ay Muuse ku khasbaan ama ku qanciyaan la bixida Ciidankiisa.

Dhanka Beesha Harti waajibkii saarnaa ee ahaa in ay si gobanimo ah usoo dhaweeyaan Isimadan,waa kasoo baxeen,isla markaana xaqiiqda hor dhigaan.

Dagaalka LC waa mid Beeleed oo ay isku hayaan Harti iyo Isaaq,waxa weerarka gardarada ah wadana waa Beesha Isaaq oo Dhul Harti kusoo duushay welina ku dhex dagaallamaysa.

Odoyaasha Dhaqanka ee Xamar ka yimid Muuse intaas ma ku qancin karaan??

Jibril Qoobey.