Video:-Putin oo ku hanjabay in uu Hubkiisa Nuclear-ka gaynayo Belarus

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Sabtidii sheegay in Ruushku uu geyn doono hubka Nukliyeerka dalka Belarus, isaga oo digniin u diray isbaheysiga NATO, taasoo ku aaddan taageerada militari ee ay siiso Ukraine.

In kasta oo hadalka Putin aanu ahayn mid lama filaan ah, waxa uu sheegay in tallaabadani aanay jabin doonin ballan-qaadyadii xakameynta hubka Nukliyeerka, haddana waa mid ka mid ah calaamadaha Nukliyeerka ee uu Ruushku ku dhawaaqayay tan iyo bilowgii duullaanka uu ku qaaday Ukraine 13 bilood kahor.

Maraykanka – oo ah quwad kale oo ka mid ah quwadaha nukliyeerka ah – ayaa si taxadar leh uga jawaabay hadalka Putin, iyadoo sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Mareykanka uu sheegay inaysan jirin calaamado Moscow ay qorsheyneyso inay isticmaasho hubkeeda Nukliyeerka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka