Ururka Ictisaam oo uhanqal taagaya in ay qabtaan hogaanka Puntland

Ictisaam waxay wadaan olale xoog leh oo ay ku diyaarinayaan Musharax Madaxweyne ee Puntland.

Waxay ku amreen Shaqaalaha Shirkada Golis ee Gobol walba in ay dhexgalaan Beelaha oo ka keensadaan Xubin Baarlamaan ama Qof noqda Xubin Baarlamaan.

Aadan Sh.Doon koox ka mid ah Ictisaamka,ayaa soo jeedisay in ay sharaxaan kuna taageeraan Maaliyad.

Halka qayb kale ay ku doodayaan in uusan Aadan ka gadmayn..

“Aadan waa Nin Macaan oo Gob ah balse aan gaarsiisnayn hogaamiye”Ayay qaybaan Rag badan oo Ictisaamka ka mid ah.

Haldoorka Bulshada ee aadka uyaqaan Ururka Ictisaam waxay qabaan in uusan guulaysanayn qorshahooda,iyagoo ku sababaynaya…..

1.Ka adkaantii Cabdullaahi Yuusuf in ay meel xun dhigtay oo aysan kasoo kaban karin.

2.Qabyaalada oo ku xoog badan dhexdooda.

3.Aragtidooda oo Maxalliya kana hoosaysa heer caalami.

Ictisaam horay waxay utaageereen Cali Xaaji iyo Asad Diyaano labaduna ma guulaysan.

Jibril Qoobey.