Ra’isalwasaaraha Scotland oo loo doortay Nin kasoo jeeda Pakistaan

Xamsa Yuusuf,ayaa loo doortay in uu baddalo Nicola Sturgeon si uu u noqdo hoggaamiyaha xisbiga SNP isla markaana u qabto xilka wasiirka koowaad ee Scotland.

Muddo dheer ayaa loo arkayay in uu ahaa murashaxa ugu cad cad ee u taagnaa jagada ugu sarreysa ee xisbiga oo sidoo kale ay kula tartamayeen siyaasiyiin ay ka mid tahay Ms Sturgeon qudheeda.

Ninkan oo ahaa Xog hayaha caafimaadka ayaa taageero ka helay tiro xildhibaanno ah oo ka badan kuwa u codeeyay murashaxiintii loollanka kula jiray.

Ku xigeenka wasiirka koowaad John Swinney ayaa saadaaliyay in tallaabadan au horseedi doonto guul, isagoo yiri: “Mr Yuusuf waxa uu dhammeystiri doonaa geeddi socodkeenna madaxbannaanida”.

Waxa uusan shaki ku jirin in uu yahay murashaxa ugu khibradda badan saddexda siyaasi ee u taagnaa xilka hoggaanka, maadaama uu kasoo shaqeynayay dowladda tan iyo sanadkii 2012, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin xog hayaha caddaaladda iyo wasiirka gaadiidka.

Taageerayaashiisa ayaa sheegay in uu yahay nin ku fiican dhinaca wadahadalka uuna yahay qofka ugu mudan xilka si uu u mideeyo xisbiga.