Shabaab oo sahay jiscin uqaybisay Ciidamadii Eretereya lagu soo tababaray

Argagixisada Shabaab waxay ka faa’idaysatay dayaca Dowlada ee Ciidamadii Eretereya lagu soo tababaray.

Shabaab waxay dhexgaleen Ciidamada,waxayna sameeyeen koox hanuunin ah oo ku qancisa Askari walba in uu aado Deegaankiisa.

Ma aysan oran nagu soo biira,waxayse usheegeen in ay jiscimayaan oo ay ufududaynayaan kala aadidooda Deegaamadii laga keenay markii hore.

“Horay Eretereya,ayaad ugu dayacanteen,haatana Xeradan,ayaad ku jabteen oo xataa Cuntadii,ayaa laydin awoodi waayay ee waan idin jiscimaynaa oo amaankiina waa sugaynaa Askari kasta ha aado Deegaankiisii”Ayay ku shubeen koox Ciidanka ay dhex gashteen Shabaab.

Tiro ku dhow 2000-Askari ayay Shabaab anba bixiyeen oo siiyeen Lacag sahay ah sugeen amnigooda intii ay sii socdeen.

400-Askartaas ka mid ah,waxaa lagu arkay Deegaamada udhaxeeya Gedo,Kilinka Shanaad iyo Adis-ababa oo markii hore laga keenay.

Waa nasiibdarro weyn in Ciidankii loosoo tababaray la dirirka Shabaab ay dib udajin nololeed usamaysay isla Shabaab.

Jibril Qoobey.