Turkiga oo si weyn uga carooday talaabo uu qaaday Faransiiska

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkey,ayaa u yeertay safiirka Faransiiska si ay “si xooggan ugu cambaareyso” go’aanka uu Senate-ka dalkaas ku marti-geliyey koox Kurdish ah oo ka dhisan Syria, oo Ankara ay u aragto argagixiso.

Pierre Laurent, madaxweyne ku-xigeenka Senate-ka Faransiiska, aya Axaddii twitter kusoo qoray inuu marti-geliyey wafdi ka socday waqooyi bari Syria, toddobaadkii tegay, si uu ugala hadlo xaaladda gobolka.

Warbixino ayaa sheegay in Senate-ka uu billado ku abaal-mariyey xubnaha kooxda YPG, iyo faraceeda haweenka, si loo aqoonsado dagaalkooda kooxda Daacish ee Syria.

Wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu ayaa ku warrantay in saraakiisha Turkish-ka ay ashtako u gudbiyeen safiir Herve Magro, ayna ku celiyeen in Ankara ay xulafadeeda NATO ka fileyso inay ku garab istaagaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada,

Waxay sidoo kale weydiisteen Farnasiiska inaysan taageerin dadaallo la tuhunsan yahay in mintidiinta Kurdish-ka ku doonayaan “inay ku helaan aqoonsi caalami ah,” sida ay sheegtay Anadolu.

Turkey ayaa labada koox u aragta inay ka tirsan kooxda PKK, oo in ka badan 40 sano Turkey ka waddo dagaal muqaawamo ah, islamarkaana ku jirta liiska argagixisada ee Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Mareykanka iyo dalal kale, ayaa si kastaba, u arka kooxaha Kurdish-ka ee Syria, inay xulufo muhiim ah u yihiin dagaalka ka dhanka ah Daacish, waxayna siiyeen taageero, ayaga oo ka careysiiyey Turkey.

Caradaas ayaa qeyb ka ah sababaha Turkey ay dib ugu dhigeyso xubinnimada Sweden iyo Finland ee NATO.

VOA.