Madaxweynaha oo ku amray W.Amniga Puntland in ay joojiso wada shaqayntii kala dhaxaysay hay’adaha caalamiga ah

Madaxweyne Deni,waxuu ku amray Wasaarada amniga in ay joojiso dhamaan wada shaqaynihii ay la lahayd hay’adaha.

Wasaarada,ayaa qortay Warqad si toos ah ugu socota hay’adaha oo lagu joojinayo wada shaqayntii guud ee kala dhaxaysay.

Si gaar ah waxay talaabadan usaamaysay Booliska Puntland oo taageero ka heli jiray hay’adaha,weliba UNDP.

Waxaa go’aankan ku shaqo waayay dhawr Qof oo isku xiri jiray hay’adaha iyo Booliska,iyadoo amar lagu siiyay kuwo ku maqnaa tababaro in ay gudaha PL kusoo laabtaan.

Ma cada si rasmi ah ujeedka Madaxweynaha,inkastoo warar tiro badan laysla dhexmarayo.

Jibril Qoobey.