Shabaab oo la wareegay Saldhigyadii Ciidamada Dowlada Somaliya Ee Hiiraan iyo J.hoose

Kooxda Al-Shabaab,ayaa sheegtay in weeraro saaka aroortii hore ay ku qaadday saldhigyo ciidamada dowladda ku leeyihiin Gobollada Hiiraan iyo Jubbada hoose ee dalka Somaliya.

Weeraradaas ayay ku dileen 32-Askari, sida ay baahisay warbaahinta taabacsan kooxdaasi.

Al-Shabaab,ayaa si buuxda usheegatay mas’uuliyadda weeraradan.

Tuulada Baardheere ee dhacda duleedka Beledweyne,ayay ku dileen 15-Askari halka Baar Sanguuni oo duleedka Kismaayo ahna ay ku dileen 17-Askari.

Waxay sidoo kale kooxda sheegatay in si buuxda ay ula wareegtay gacan ku heynta saldhigyadaas.

“Al-shabaab waxay saakay oo Arbaco ah weeraro ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda ee deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka Kismaayo ee Jubada Hoose iyo deegaanka Baardheere ee duleedka Baladweyne ee Hiiraan,waxayna si buuxda gacanta ugu dhigeen labada saldhig ee ay ku sugnaayeen.” Ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab.

Dhanka Dowladda Somaliya weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin weerarada lala beegsaday xeerooyinka Ciidamada.

Ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinaya weeraradan.