Video:-Shiinaha oo digniin adag siiyay Maraykanka

 

Shiinaha,ayaa ku hanjabay inuu aargoosan doono haddii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Kevin McCarthy uu la kulmo Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen inta lagu guda jiro safarkeeda Mareykanka ee bisha soo socota, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay noqon doonto daandaansi.

 

“Haddii ay la xiriirto afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka McCarthy, waxay noqon doontaa daandaansi kale oo si dhab u jebiya mabda’a Shiinaha ee one-China, kaas oo sidoo kale dhaawacaya madax-bannaanida Shiinaha iyo midnimada dhuleed, burburinaya nabadda iyo xasilloonida marin biyoodka Taiwan,” ayay tiri Zhou Fenglian, oo ah afhayeenka xafiiska arrimaha Taiwan ee Shiinaha, oo warbaahinta kula hadasahay magaalada Beijing”hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka