Maraykanka oo Safiir cusub usoo magacaabay Somaliya

Madaxweyne Biden,ayaa u magacaabay Richard H. Riley inuu noqdo safiirka cusub ee Maraykanka u joogi doona Somaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Aqalka-cad.

Safiirka cusub ee Somaliya loo magacaabay ayaa haatan xil ka haya Safaaradda Maraykanka ee Kanada.

Richard H. Riley,ayaa hore uga soo shaqeeyey dalalka Pakistan, Afgaanistaan, Iraq, UK, Shiinaha,Ruushka iyo Yemen.

Danjiraha cusub,ayaa bedelaya safiirka Maraykanka haatan u jooga Somaliya ee Larry Andre.