Maxaa sababay in Midowga Yurub taageeri waayo Dimuqraadiyada Puntland?

Warbixintii Midowga Yurub ee Somaliya laguma xusin Doorashada Golayaasha Deegaamada Puntland.

In Midowga Yurub uu soo hadal qaadi waayo Diiwaangelinta hirgashay iyo Cod bixinta loo mudaysan yahay ee Doorashada Golayaasha ma’ahan war farxad u ah Dimuqraadiyadaynta PL.

Waa iska cadahay Midowga Yurub waxa uu ka biyo diidsan yahay.

Horay waxay Midowga Yurub uga codsadeen M.Deni in uusan isku sharixin doorashadii Madaxweyne ee Somaliya,waase ka diiday.

“Dalabkoodu,waxuu ahaa Puntland iyo Dimuqraadiyada dhamaystir waa muhiim”

Markale ayay talooyin ka siiyeen dib ubilaabidii Dimuqraadiyada kasoo laabashadii Xamar kadib,si la mid ahna tixgelin kama aysan helin Deni.

Wasiirada laguma dhaliili karo dayaca dhacay oo eedeeda waxaa si buuxda uleh M.Deni oo dhaqankiisa hogaamineed yahay”Aniga ma’ahee cid kale go’aan ma qaadan karto”.

Jibril Qoobey.