Maraykanka oo Muuse Biixi ugu hanjabay cubaqabatayn in uu kusoo rogi doono

Muuse,waxaa loo sheegay in uu Ciidamadiisa dib uga saaro Laascaanood si dhakhso ah.

Sidoo kale xoogaga difaaca Sool,waxaa loo sheegay in aysan weerarin Ciidamada Muuse Biixi.

Dib udhaca doorashada in uu soo afjaro oo sameeyo Khariirad mudaysan oo lagu qabanayo,ayaa loo sheegay in laga sugayo.

Odoyaasha ka yimid Muqdisho in uu ku qaabilo Hargaysa in ay khasab tahay,ayaa la xasuusiyay Muuse Biixi.

Maraykanku,waxuu sheegay sii socoshada colaada LC in ay keeni karto fursad argagixisadu ka faa’idaysato.

Ugu danbayn warbixinta,waxaa lagu cadeeyay in loo isticmaali doono awooda cunaqabataynta cidii caqabad ku noqota Nabada.

Warkan waa dhaafay fariin ee waa dhabarjab Siyaasadeed oo taariikhda galay.

Hogaamiyihii Qaranimada ka laangoosanayay,waxaa lagu soo koobay ku xaajaysiga Beelnimo.

Muuse,waxaa Miiska loo saaray aqbalida dhex-dhexaadinta Odoyaasha ka socda Beelaha Hawiye iyo Raxanweyn,isagoo ah ah hogaamiye Beeleedka Beesha Isaaq.

Muuse Siyaasiyan waa ujabay,Ciidan ahaan waa ujabay,hogaamin ahaan waa ujabay,waana burburiyay hankii Beeshiisa,waana soo afjaray fursadahoodii Siyaasadeed ee jiray.

https://www.state.gov/instability-and-democratic-backsliding-in-somaliland/