Faahfaahin sida uu udhacay dagaalka Maanta Ee Laascaanood

Ciidanka Xildhibaankii hore ee ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland uu watay waxay Jidgooyo u galeen Ciidan Urur ah oo Sahay usiday SNM kana yimid magaalada Oog.

Ciidankaa waxaa loo galay Wado ay samaysteen markii dagaalkii hore looga qabsaday Waddadii ay marsiin jireen sahayda oo ku taal Aaga Canjiid.

Markii ay isheleen Ciidankii Xildhibaanku ku jiray iyo Ciidankii Sahayda siday ee SNM,waxaa Gacanta sare helay kuwii Xildhibaanka,waxayna ka gubeen Booyad Shidaal ah.

Kadib,waxaa gurmad uga kala yimid SNM-ta Goojacade iyo Ari-Cadeeye,waxaana lagu sameeyay Ciidankii Laba Aabur,halkaas,ayaana lagu qabtay Xildhibaanka.

Dagaalku markaas,ayuu balaartay oo Ciidamo Cumar Maxmuud ah iyo kuwo Qayaad ah soo galeen oo laysku riiqmay.

Kadib hadana,waxaa dhacay Ciidan SNM ah oo Dhaawac iyo Mayd sida,ayaa Ari-cadeeye agtiisa Ciidan Jaamac Siyaad ah u galeen khasaarana Gaarsiiyeen.

Kadib Ciidan Ari-cadeeye kasoo baxay oo SNM-ta ah,ayaa ka riday oo kexeeyay Dhaawicii iyo Maydkii.

Mar Sadexaad,ayaa Yagoori Agteeda loo galay markaasna Ina Canbaashe,ayaa ka riday.

Haatana Shacab caraysan iyo Ina Canbaashe,ayaa Yagoori isku horfadhiya.

 

 

Jibril Qoobey.