Faallo:-Waa nasiibdarro in Muuse lagu abaal mariyo Ergay

Magacaabistan ma haboonayn munaasabna maba ahayn xiligan.

Cabdikariin Guuleed in loo magacaabo Ergay SL ku wajahan waxay ka dhigan tahay in SNM lagu garabsiiyay xumaanta.

Muuse Biixi iyo kooxdiisa ma mudnayn in xiligan laga dhigo Maamul udiyaarsan wada hadal.

Waxay ahayd oo M.Xasan ku heli lahaa Sharaf iyo Magac in uu ka hadlo xasuuqa Laascaanood.

Balse in uu is ilowsiiyo Dhiiga Laascaanood ku daadanaya oo Muuse umagacaabo Ergay waxay ka dhigan tahay in lagu abaal mariyay xasuuqa Shacabka.

Muuse wada hadal iyo wanaag diyaar uma ahan,wuxuuna weli wadaa xasuuqa Shacabka LC oo Maanta ay ugu danbaysay.

Xasan waa cad yahay mowqifkiisa,waxuuna qayb ka yahay xasuuqa Shacabka Laascaanood ay ku hayso SNM.

Siyaasiga Daarood,waa in uu arinkan ka dhiidhiyaa meel uu joogaba.

Jibril Qoobey.