Safiirka Maraykanka Ee Somaliya iyo Rooboow oo si gooni ah ugu kulmay…

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo martigelisay Casho ku aadan Bisha barakaysan ee Soonqaad.

Dadka goob jooga ka ahaa,waxaa ka mid ahaa basaasiinta ugu weyn CIA-da Muqdisho iyo Roobow oo ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo tababar la qaatay al-Qaacidada Afgaanistaan.

Sanadkii 2012-kii,maamulkii Obama,ayaa ku yaboohay lacag dhan 33-Milyan oo dolar si loo helo xog ku saabsan halka ay ku sugan yihiin xubnaha ugu sareeya kooxdaas oo uu ku jiray.

Balse isla sanadkaas, Roobow waxa ay isku dhaceen Amiirkii kooxda — Axmed Godane, oo ay dishay dukheyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka 2014-kii.

Rooboow,ayaa sanadkii 2017-kii uu isku soo dhiibay Dowladda Somaliya, kadib wada hadalo qarsoodi ahaa oo dhacay.

Miyaysan ahayn wax iswaydiin mudan sida hogaamiyihii hore ee Al-shabaab iyo Safiir Maraykan ah ay keli iskugu noqon karaan.

Tani waxay ku tusaysaa midabka rasmiga ah ee Alshabaab iyo in ay yihiin jilayaal hunguri weyn ku jiro oo mustaqbalkooda iyo jeebkoodaba ka fakara.

Safiir Andre,ayaa lagu bedelay Richard Smith, oo ah Safiirka cusub ee Somaliya xiliga kala-guurka ah.

Cashadan,ayaa dhanka kale loo fasiri karaa in ay tahay casho sagootin ah ee Safiirka baxayas sameeyay.

Jibril Qoobey.