Puntland oo ku dhawaaqday in Somaliland ay samaysay argagixisada Alshabaab

Xukuumadda Puntland,ayaa sheegtay in Somaliland ay abuurtay kooxda Argagixisada ah ee Al Shabaab.

Ujeedka ay u abuurtay,ayuu ku sifeeyay Wasiirka Warfaafinta PL ahaa si koonfurta dalka ay u gubato Goboladooda Waqooyi Galbeedna ay udhismaan.

“Dhaawacyadooda,ayaa lagu dabiibaa magaalooyinka Somaliland, Baasabaroodana looga sameeyaa dalka Jabuti”Ayuu yiri W.Warfaafinta Puntland.

Puntland tiro dhawr jeer ayay horay usheegtay in SL taageerto Ururada argagixisada ah sida Shabaab.

Dhawaan Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas,ayaa si cad uxaqiijiyay in baaris ay PL samaysay xiligii uu madaxda ka ahaa Lagu ogaaday wada shaqaynta argagixisada iyo SL.

Jibril Qoobey.