Musharrixiintii Somalida oo guul-darro kala kulmay doorashada Finland

Sanna Marin oo ahayd Raysal wasaaraha dalka Finland ayaa ku guul darraystay in ay sii xejisto xilkii ay muddada haysay ka dib markii xisbigeeda lagaga adkaaday doorashadii Baarlamaanka ee halkaas ka dhacday.

Xogaha hor dhaca ah ee tirinta codadka laga helayo ayaa sheegaya in ay guushu raacday xisbiga is bahaysiga midigta ee NCP loosoo gaabiyo kaas oo helay 20.8% codadkii la dhiibtay.

Dhinaca kale Musharrixiintii Soomaalida ahaa ee u xusul duubnaa in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka waddanka Finland ayaa gebi ahaantoodba ku guul darraystay in ay hantaan booskii ay Soomaalidu hore u haysatay.

Ka dib markii ay is sharraxeen 5 qof oo Soomaali ah oo uu ku jirey Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo ahaa Soomaaligii ugu horreeyey ee ka mid noqda Baarlamaanka Finland.