Shaqadii Wasiirka Arimaha Gudaha Ee Fadaraalka oo lagu wareejiyay Waare

Ergayga gaarka ah ee Madaxtooyada uqaabilsan gaarsiinta Adeegyada muhiimka ah Bulshada Deegaamada dib looga xoreeyay argagixisada,ayuu noqday Waare.

Waa shaqadii Wasaarada Arimaha Gudaha ee Fadaraalka ay qaban lahayd,balse ay ku filnaan wayday oo loo baahday Ergay qabta Shaqadaas oo Villa Somaliya toos uhoos yimaada.

BC oo bixinaysa dhaqaalaha ku baxaya Adeegyadan Deegaamada la gaarsiinayo,ayaa muujisay in ay khaati ka taagnayd wada shaqaynta Fiqi,waxayna si la yaab leh usoo dhawaysay magacaabista Waare.

Madaxweynihii hore ee Hir-shabelle Mudane Waare Nin shaqsiyad fiican oo leh aragti caafimaad qabta.

Masuuliyada loo dhiibay waxay fursad utahay reer Hiiraan oo ah Dadka ugu mudan ee udiyaarsan Mashruucan dib udajinta ah.

Sidoo kale Waare waxay utahay fursad uu Dadkiisa wax ku tari karo.

Jibril Qoobey.