Video:-Sidee loo hor keenay Maxkamada Madaxweynihii hore Ee Maraykanka?

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa Talaadadii maxkamada gobolka New York ka sheegay in aanu wax danbi ah galin 34 dacwadood oo lagu eedeeyay, kuwaas oo ay ka mid yihiin in uu ka been abuuray diiwaanka ganacsgiisa iyo lacag aamusin ah oo uu siiyay gabar sameysa aflaanta galmada, kahor doorashadii 2016.

Trump ayaa diiday inuu qirto eedda dambiga lagu soo oogay ka hor inta aan la horgeyn dacwad oogaha maxkamada sare ee gobolka New York Juan Merchan kadib markii sharciyaqannadu ay soo bandhigeen eedaha loo heysto.

Qareennada difaacayay ee Todd Blanche, Susan Necheles iyo Joe Tacopina ayaa labada dhinac ka fadhiyey, iyadoo ilaalada maxkamadda oo hubaysan ay Trump gadaashiisa taagnaayeen.

Dacwad oogayaasha kiiskan ayaa ku eedeeyay in Trump uu jilaaga aflaanta ee Stormy Daniels siiyay $130,000 kahor tartankii madaxtinimo ee uu ka qeybgalay ee sannadkii 2016, si uu uga aamuso sheegashadeeda,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka