Laamaha amaanka Bosaso oo aan weli ka hadlin weerarkii Al-Macruuf

Laamaha amaanka Bosaso,waxaa laga rabaa in ay hadlaan soona saaraan xog hordhac ah,isla markaana ugu danbayn keenaan xogta rasmiga ah ee weerarkan.

Waa markii ugu horaysay oo Xarun Ganacsi khasaare intaas le’eg la gaarsiiyo Bosaso.

Inkastoo weerarada argagixisadu ay dhacaan,hadana Bosaso Xarumaha Ganacsi waxay la beegsan jireen Bambo Gacmeed aan khasaare weyn gaarsiin.

Macruuf,waxaa loo beegsaday waa xarun soo jiidatay macmiil fara badan oo ay ku jiraan hay’adaha caalamiga ah.

Waxay kasbatay Adeega PMPF iyo DP World oo waxay hada bixinaysay Raashinka Soonka ay siinayso DP World Dadka danyarta ah.

Sidoo kale waa Xarun si qurxoon oo Adeeg sare leh loo diyaariyay.

Khasaaraha Maaliyadeed ee hordhaca ah oo Caawa gaaray,waxaa lagu qiimaynayaa Milyan iyo Bar dolar-ka Maraykanka ah.

Jibril Qoobey.