Puntland oo Raas Gardafuu ku wareejinaysa Dowlada Imaaraadka

Madaxweyne Deni Caawa,ayuu saxiixayaa Heshiis cusub oo Puntland iyo Imaaraadku ay iskaga kaashanayaan amniga iyo horumarinta.

Heshiiskaas,waxaa lagu Aas-aasayaa Saldhig Ciidamo PL ah iyo kuwo Imaaraad ah ay kawada hawlgalayaan oo laga dhisayo Raas-caseyr Gardafuu oo ah figta ugu daraysa Qariirada Somaliya.

Fariisinkaas,waxay lagu kayntaroolayaa Maraakiibta tira beelka ah ee isticmaala Biyo mareenkaas.

Puntland,waxaay ku heli doontaa heshiiskan Il dhaqaale oo cusub.

Halka Imaaraadku uu heshiiskan ku helayo saamaynta marin Biyoodkaas muhiimk ah iyo qayb ka mid ah dhaqaalaha xooga badan ee soo xaroon doona.

Maraykanka,ayaa hor istaagay heshiiskan markii hore,sababtoo ah,waxuu ahaa Saldhig Milleteri oo buuxa,haatanse,waxaa loo badalay wax wada qabsi.

PL goobta wada xaajoodka,waxaa ufadhiyay M.Deni,Walaalkiis iyo Seedigiis,ma joogin Wasiir,Lataliye iyo Agaasime toona.

Jibril Qoobey.