Wasiirada arrimaha dibadda ee Sacuudiga iyo Iran oo mar kale kulmay

Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Sacuudiga iyo Iran,ayaa kulmay markii ugu horeysay muddo ka badan 7-sano.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen, ka dib wada hadalo uu Shiinuhu dhexdhexaadinayey oo ka dhacay magaalada Beijing, ayay ku xaqiijiyeen inay doonayaan inay dib u furaan xafiisyadooda diblomaasiyadeed muddo laba bilood gudahood ah.

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in dib loo bilaabo safaradii laba geesoodka ahaa ee shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo wufuudda rasmiga ah, iyo in laga wada hadlo sidii dib looggu bilaabi lahaa duulimaadyadii dalalkooda.

War saxaafadeedka,ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu ballaarin doono kalsoonida labada dhinac, isla markaana uu gacan ka geysan doono abuurista jawi dagan iyo horumar uu ku tallaabsado gobolka ay labadda dal kulaalaan.

Sacuudi Carabiya,ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Iran bishii Janaayo ee sanadkii 2016-kii, ka dib markii dibad baxayaasha Iran, oo ka carooday dilka wadaad Shiico ah, ay weerareen safaaradda Sacuudiga ee magaalada Tehran.