Faallo:-Bosaso Magaalo aan helin waxay mudnayd

default

Waa magaalo balaaran oo Bulsho fara badan ku nooshahay oo ah Hooyo Dadka barbaarisa oo baahi tirta Bosaso.

Waa Magaalo uusan Qofna ku qaloonayn oo aysan ka jirin cunsuriyad iyo kala lahaansho gaar ah.

Waa Magaalo aad ka heli karto Xaafado badan oo Dadka wada degan aysan xataa Lahjada iskaga ekayn.

Waa magaalo ay ku yaalaan Garoon Diyaaradeed oo casri ah iyo Deked.

Nasiibdarro Magaaladaas leh awoodaas maleh Maamul waxtar ah oo wax ka qabta baahiyaheeda.

1.Bilicda Magaaladu dhulkay taalaa.

2.Wadooyinku waa wax burbursan ama dayacan.

3.Maleh qorshe magaalo.

Amaanka Magaaladu dhulka,ayuu yaalaa mana jiraan Ciidan macno leh oo utaagan sugida amnigeeda.

Waxaa xusid mudan in Magaalada iyo hareeraheeda ay ku leeyihiin fariisimo Ciidamada ugu badan Puntland sida..

1.PMPF
2.PSF
3.Daraawiishta.
4.Booliska.

Bosaso waxay ubaahan tahay wax ka badal hogaankeeda maamul iyo amni.

Jibril Qoobey.