Faallo:-Way muuqataa reer Sool in aysan ku filnayn maaraynta Siyaasada

Puntland waa ku amaanan tahay in ay buuxisay booskii uu lahaa Siyaasiga reer Sool.

Magacaabidii Cabdikariin,waxaa si Afgobaadsi ah uga hadlay Garaadada kumana filnaan hadalkoodu jawaabtii loo baahnaa.

Laba Beri oo la sugayay in Siyaasiyiinta Sool ee PL ka madax banaan ay hadlaan,waxay dantu kaliftay in PL ay uhadasho oo utiraahdo intii ay oran waayeen.

Waa door shariif ah oo ay qaadatay Puntland maamul ahaan,waxuuna qayb ka yahay gurmadka lagu garab istaagayo Shacabka Sool.

Xildhibaan Qowdhan oo hadlay si jilicsan oo aan cadayn,ayuu uga jawaabay hadalkii Ra’isalwasaare xigeenka.

Waxaa muuqatay Siyaasiyan reer Sool in aysan isku filnayn ee ay ubaahan yihiin garabgal joogta ah.

Jibril Qoobey.