Maxay uga dhigan tahay Shiinaha isa soo hor fariisinta Iran iyo Sacudiga?

Shiinuhu,waxuu isku dayayaa in uu ku qabsado saamaynta caalanka Maraykanka.

Isku daygiisii ugu horeeyay,waxuu ku guulaystay in uu isa soo hor fariisiyo Iran iyo Sacuudiga oo Cadow khatar ah isku ahaa.

Afar Beri oo wada xaajood qarsoonaa uu ka socday Beijin,ayaa ugu danbayn Labada Dal wada gaareen heshiis Diblomaasi.

Shiinuhu waa macmiilka ugu weynaa ee Saliida Sacuudiga Sanadkii hore,waxaana loo dhoofshay Shiinaha 27% wax soo saarka Saliida ee Sacuudiga.

$87.3 Bilion,ayuu gaaray Sanadkii hore 2022 Ganacsiga Shiinaha iyo Sacuudiga

Sidoo kale Iran,ayaa udhoofisay Wadanka Shiinaha 17% wax soo saarkeeda Saliida.

Saamaynta dhaqaale ee Shiinaha,ayaa sahashay ugu yaraan isa soo hor fariisinta Labadan Wadan ee ugu miisaanka culus Muslimiinta Shiicada iyo Sunniga.

Shiinaha,ayaa tan iyo 2010 badalay Maraykanka oo noqday Wadanka ugu weyn ee la Ganacsada Sacuudiga.

Jibril Qoobey.