Video:-Wariye ka tirsan Wall Street Journal oo lagu xiray Ruushka

Madaxweyne Joe Biden iyo Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau,ayaa si wadajir ah ugu baaqay in si deg deg ah loo sii daayo weriye ka tirsan Wall Street Journal oo lagu xiray Ruushka,kaasoo lagu eedeeyay basaasnimo.

Waaxda Amniga Federaalka ee Ruushka,ayaa sheegtay in weriye Evan Gershkovich, oo ah muwaadin Mareykan ah, la xiray todobaadkii hore,isagoo looga shakiyay inuu basaas u ahaa Dowladda Mareykanka.

Wargeyska Wall Street Journal,ayaa beeniyay Gershkovich in uu ku shaqaynayay basaasnimo.

Aqalka Cad,ayaa ku tilmaamay eedeynta basaasnimo ee lagu riday Wariyaha mid lagu qoslo.

Eedaymaha Basaasnimada,ayaa ka ah Ruushka Xabsi 20-sano ah.