Wadahadaladii Itoobiya iyo IMF oo isfahan fiican laga gaaray

Santuukha Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka iyo Dowlada Itoobiya,ayaa horumar ka sameeyay wadahadallada ku saabsan taageerada santuukhaas ee barnaamijka dib u habeynta dhaqaalaha dalkaas.

Wadahadallada,ayaa ka sii socon doona Washington toddobaadka soo socda”Sida laga soo xigtay IMF.

Saraakiisha IMF-ta,ayaa ku sugnaa Itoobiya ilaa dabayaaqadii bishii March, markaasoo Afhayeen u hadlay Santuukha uu sheegay in ay qabanayaan shaqo farsamo oo ay ugu diyaar garoobayaan barnaamij ay IMF taageerto.

“Waxaan horumar ka sameynay ka doodista baaxadda taageerada IMF ee barnaamijkan dib u habeynta,” Alvaro Piris Madaxa weftiga howlgalka IMF,ayaa ku yiri sidaas war uu soo saaray.

Dabayaaqadii bishii March, IMF waxa ay sheegtay in ay soo dhawaynayso horumarka ay Itoobiya ka samaysay soo celinta nabad iyo xasillooni waarta ka dib heshiis bishii November lagu joojiyay colaada iyo soo celinta gargaarka bini’aadantinimo iyo adeegyada aasaasiga ah ee Waqooyiga Gobolka Tigray.

Horumarka laga gaaray barnaamijka IMF iyo codsigii Itoobiya ee ahaa in deymaha laga cafiyo,ayaa hakad ugalay qayb ahaan colaadda Labada Sano ka socotay Gobolka Tigray.