Madaxweynaha Faransiiska guul makala soo laaban doonaa Shiinaha?

Madaxweynaha Faransiiska,waxuu mar walba isku dayaa Siyaasad ka madax banaan Maraykanka in uu sameeyo.

Iyadoo loo sheegayo in uusan guulaysanayn isku daygiisii uu Madaxweynaha Ruushka kaga raadinayay joojinta weerarkii Ukrain,ayuu ku dhaqaaqay.

Haatan,waxuu isku dayayaa in Shiinaha uu sheego in uusan ku deg-degin taageero Milleteri oo uu siiyo Ruushka.

Sida ay qabaan Saraakiisha Aqalka Cad ee Maraykanka dadaalka Madaxweynaha Faransiisku ma guulaysan doono.

Shiinuhu,waxuu ka faa’idaystay jabka ku dhacay Ruushka oo waxuu suuq madow kaga iibsaday kaydkii Dahabka iyo Saliida ee Ruushka.

Reer Yurub waxay Shiinaha xasuusiyeen in uu Dab ku ciyaarayo oo uu lumin doono suuqiisa Ganacsi ee Yurub haduu Ruushka sii liicaya siiyo taageero Milleteri.

Shiinaha iyo reer Yurub,waxay isdhaafsadaan Ganacsi gaaraya €20.2 billion,waana Wadanka Sadexaad ee la leh xiriir Ganacsi reer Yurub.

Jibril Qoobey.