Wajiga Labaad Ee dagaalka argagixisada oo la qorshaynayo,iyadoon kii koobaad lagu fashilmay

Wajigii Labaad ee dagaalka argagixisada B iyo K Dalka,ayaa la qorshaynayaa in uu bilowdo dhawaan.

Dagaalka Wajigiisan,waxaa qayb ka noqonaya Ciidamo Shisheeye,gaar ahaan Dowladaha loo yaqaan Safka hore sida..

B.Itoobiya.
T.Kenya.
J.Uganda
X.Jabuti.

Sida qorshuhu yahay Ciidamo gaaraya ilaa 30-Kun oo 15-kun oo ka mid ah ay tahay Itoobiyaan,ayaa loo qorsheeyay hawlgalkan.

Itoobiyaanka,ayaa ku Aadan Gobollada Gedo,Jubooyinka,Bay iyo Bakool.

Jabutiyaanka iyo Kenyanku waxay ka cudur daarteen in ay ka qaybgalaan weerarada,waxayse ballan qaadeen in ay sugayaan Magaalooyinka la qabto.

Abaabulka iyo diyaarinta hawlgalkan,waxaa iska leh Dowlada Maraykanka oo ka taxadaraysa kala daadsanaanta Somaliya in ay fududayso soo gelida Shiinaha ee Geeska Afrika.

Dhanka Dowlada Somaliya,waxaa hawlgalkan ay ku daraysaa Ciidamo Somaliya,waxay kaloo umagacowday isku xirka Ciidamadan.

Hawlgalka Wajigiisa Labaad,ayaa kusoo Aaday,iyadoo Wajigiisii hore lagu fashilmay oo Ciidamada Dowladu hanan waayeen Deegaamadii la qabtay.

Marka la qiimeeyo weeraradii argagixisadu ku qaaday Fariisimaha Galcad,Janaay Cabdalla iyo Bar-sanguuni,waxaa muuqatay in Ciidamada Dowlada Xamar taageerto aysan awood ulahsyn dagaalka.

 

Jibril Qoobey.