Faallo:-Xiriirka Maraykanka iyo Sacuudiga waa mid nooceeya?

Maraykanka iyo Sacudiga,waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo aan si fudud ku go’ayn.

50-sano oo Sacuudigu ahaa Wadanka Saliida ugu badan dhoofsha ee caalamka,waxaa ku mataanaysaa Maraykanka.

Shirkadaha Maraykanku,waa kuwa maalgelintaas sameeyay kuna haya Gacanta shaqadaas.

Dhanka kale,waxay Labada Wadan ka midaysan yihiin dhanka amniga…

1.La dagaallanka argagixisada waa ku mataanaysan yihiin.

2.Iran iyo ka hor tagida saamaynteeda Gobolka waa ka midaysan yihiin.

3.Amaanka Baddaha.

4.Tababarada iyo iskaashiga Hubka waa ka midaysan yihiin.

5.Wardoonka iyo ilaalinta danaha Labada dhinac,waa ka midaysan yihiin.

Sacuudigu,waxuu fuliyaa oo Gacanyare ugu yahay Maraykanka isbahaysiyada iyo qorshayaasha Gobolka sida..

1.Masar iyo ka ilaalinta Islaamiyiinta
2.Imaaraadka iyo ilaalintiisa
3.Srael iyo ilaalinta danaheeda

Labada Wadan,waxaa jira arimo ay ku kala badalan yihiin sida….

1.Nidaamka Dowladeed.
2 Diimaha.
3.Xuquuqda Haweenka.

MBS oo ay dhibaato weyn ka haysato dilkii Wariyaha,ayaa isku dayaya in uu cadaadis ku saaro maamulka Biden hoos udhigista Dacwadaas.

Balse cadaadiskiisu ma’ahan mid saamayn ku leh Aqalka Cad.

Jibril Qoobey.