Video:-Dagaalka Laascaanood oo galaaftay dhaqaalihii Somaliland

Somaliland dagaalka Laascaanood,waxuu fashiliyay Siyaasadeedii gudaha iyo dibada.

Sidoo kale,waxuu galaaftay dhaqaalihii oo sagxada ayay isku waraysatay…

1.Canshuurtii Maamulka usoo xaroon jiray oo hoos ugu dhacay si weyn,waxaana sababay…

B.Dekeda Berbera oo uu ka wareegay Ganacsigii.

T.Wajaale,ayaa ahayd Deked qalalan oo xirantay.

J.Suuqii Waaheen oo ahaa Il dhaqaale oo muhiim ah,ayaa Gubtay kal hore.

2.Mashaariicdii Deeqaha caalamka oo laga joojiyay…

B.BC oo ka caraysan dagaalka LC iyo dhaga-adayga Muuse waxay jartay Mashaariicdii ay maalgelin jirtay ee SL.

T.Mudo kororsiga Muuse iyo qabsoomid la’aanta Doorashada SL,iyaduna waa Qodob kale oo BC ujoojisay taageeridii Maaliyadeed ee SL aysiin jirtay.

Sida uu masuulkan xaqiijinayo,waxuu Maamulka SL jarayaa Mushahaarkii iyo Gunadii oo ay xaymtaa ku jiraan Wasiirada.

Waa war dhabar jab ku ah Maamulka Muuse Biixi.