Abiy oo isu diyaarinaya in uu noqdo Meles-kii Labaad Ee Itoobiya.

Abiy,wuxuu isu diyaarinayaa in uu noqdo Meles-kii Labaad ee Itoobiya.

Waxaa khatar ku ahaa Tigreega,iyagiina waa iska xaliyay oo waxbay kala goosteen.

Haatan,waxuu dhisayaa Itoobiya umuuqata Fadaraal iyo Dimuqraadi hadana Awoodu urursan tahay oo hal meel laga hago.

Kala darista Ciidamada Deegaamada waa fursadiisa uu ku hanan karo awooda si buuxda.

Ciidamada Milleteriga,ayuu dib uhabayn weyn kuwadaa oo uu rabaa markale in uu istaajiyo ayna la wareegaan amniga guud.

Deegaamada,ayaa lagu soo koobayaa Booliska caadiga ah in ay ka hawlgalaan.

Sida la saadaalinayo wax weyn kama hor imaan doonaan hanka Abiy gudo iyo dibad.

Amxaarada kacdoonkooda,waxaa lagu tilmaamayaa mid aan sii socon doonin,Abiy ku filan yahay xakamayntiisa.

Jibril Qoobey.