Maku saxan yihiin Wasiirada DDSI in ay ansixiyeen go’aanka kala dirista Ciidamada Deegaanka?

Ansixinta Wasiirada DDSI ay ansixiyeen go’aanka kala dirista Ciidamada Deegaanka waa mid waaqici ku dhisan.

Wado aan ahayn aqbal uma furna maamulka Deegaanka,sababtoo ah awood ay ku hor istaagaan maleh.

50-kii sano ee halganka ay Somali Galbeed kusoo jirtay,waxu kusoo idlaaday in ay aqbaleen waxii ay Qoriga ka qaateen,mana jirto wax isbadal ah oo ay ku badasheen halgankoodii.

Haatan waaqiciga horyaala Bulshada Deegaanka waa in ay wajahaan xaqiiqda oo ah in ay ku milmaan Itoobiyada kale waxna la qabsadaan.

Somalidu kama mid ah Shaqaalaha iyo Bayloodada Shirkada diyaaradaha Itoobiya.

Ciidamada Milleteriga Itoobiya waxay ka yihiin Dadka ugu tirada yar mana ku leh Jenanada Itoobiya hal Jeneral Somalidu.

Bangiyada iyo Jaamacadaha Itoobiya ayaysan ka dhex muuqan ama aysan saamayn ku lahayn.

Waa in Bulshada Somali Galbeed Aamintaa Itoobiyaanimada oo iska ilowdaa Xoriyad.

Markale ayay Itoobiya Shaarka badalatay oo ay curatay mid cusub oo Abiy lagu maalgelinayo.

Jibril Qoobey.