Ma dhabaa in Xasan Shiikh iyo Siciid Deni ka heshiiyeen khilaafkooda?

26-ka May,waxii ka danbeeya,waxaa Ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada noqonaya Siciid Deni.

Xasan Shiikh iyo Siciid Deni waa heshiiyeen sida xoguhu sheegayaan.

Dowlada Imaaraadka Carabta,ayaa arinkan ka samaysay dhex-dhexaadin,sida wararku sheegayaan.

Ergo uu dirsaday Xasan Shiikh,ayaa tagtay Imaaraadka oo la kulantay Deni iyo Dowlada Imaaraadka.

Xasan iyo qorshihiisa?

Xasan waxba waa udhaqaaqi waayeen gudo iyo dibad,taasina waxay ku kaliftay in uu jilbaha dhulka dhigo oo aqbalo wada noolaansho Siyaasadeed.

Hal ujeedo,ayaa uqorshaysan Xasan,taasoo ah in uu Deni soo dhaafiyo Puntland.

Deni iyo qorshihiisa?

Deni,waxaa ka go’an in uu noqdo Madaxweynaha Fadaraalka 2026 mana hayso dhaqaale la’aan,waxuuse ubaahan yahay sii dhexgal Siyaasada Fadaraalka.

Mudo xileedkiisii Madaxweynaha PL waa ka dhamaaday,sidaa daraadeed waa ufursad Siyaasadeed in uu uguuro Guri kale oo uu kusii hakado inta la gaarayo 2026.

Xoguhu waxay sheegayaan marka la joogo May oo Puntland udhaqaaqdo Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Sadexda Xisbi in uu talada la wareegi doono Axmed Karaash Madaxweyne xigeenka,kaasoo dhamaystiraya 6-da Bilood ee mudo xileedka ka hartay.

Doorashada Madaxweyne ee Puntland waxay uqabsoomi doontaa sidii dabiiciga ahayd oo Isimadu soo xuli doonaan Xildhibaanada.

Jibril Qoobey.