Maxaa kala socotaa Saamaynta Caalamka Ee Maraykanka?

Maraykanku waa Quwad caalamku wada leeyahay hadana gaar loo leeyahay.

Kala danbaynta caalamka,waxuu uyahay muhiim,marka la qiimeeyo..

B.Ilaalinta Dimuqraadiyada.
T.Ilaalinta Shuruucda caalamiga ah.
J.Ilaalinta Xuquuqda Bini’aadamka.

Awoodaha saamaynta Maraykanka ee caalamka sii bimiya waxaa kaloo ka mid ah…

1.Nidaamkiisa hab maamul oo lawada qaatay (Dimuqraadiyada).

2.Luuqadiisa oo lawada isticmaalo.(English)

3.Dhaqankiisa oo ah Filimadiisa.(Holly Wood)

4.Cuntadiisa oo caalami (KFC iyo MCDonalds)

5.Tiknoolajiyada (Google iyo Microsoft)

6. Milleteri ahaan oo uu yahay Dalka leh awooda Ciidan ee Gees walba oo caalamka ah ku hawlgelin kara Saacado.

7.Deeq bixiyaha ugu weyn caalamka waa USAID.

Maraykanku waa dhaqaalaha ugu xooga badan caalamka,waxaana Dalkiisa ku yaala hay’adaha dhaqaalaha Aduunka maamula sida..

1.IMF
2.World Bank.
3.WTC.

Sidoo kale,waxuu leeyahay Lacagta sida caalamiga ah wax loogu kala iibsado loona kaydsado.

Dhaqaalaha usoo xarooda Sanadkii,waxuu ka badan yahay baahida Dadkiisa,taasoo ka dhigaysa Qani.

10-ka Qof oo caalamka ugu Taajirsan Sideed ka mid ah,ayaa Maraykan ah.

Kanada,waa Isha ugu weyn ee wadarta guud Batroolka iyo Saliidda cayriin ee Maraykanka soo dhoofsado.

Sannadkii hore 2022,61% Batroolka Maraykanka soo dhoofsado,waxuu ka yimid Kanada.

Halka 61%,Saliidda Cayriin ee Maraykanku soo dhoofsaday laga keenay Kanada.

Waxuu kaloo Maraykanku kasoo dhoofsadaa Saliida iyo Betroolka Wadamada kala ah….

1.Mexico 10%
2.Colombia 3%
3.Saudi Arabia 6%
4.Rusia 3%

Maraykanka iyo saamayntiisa Wajiyada badan ee caalamka ma jiro Wadan buuxin kara oo lagu halayn karo.

Dhanka kale Maraykanku,waxuu la micno yahay guud ahaan reer Galbeed.

Jibril Qoobey.